Kenya: Alshabaab waxey hurinayaan dagaal diimeed ka dhex qarxa Muslimiinta & Kiristanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenya: Alshabaab waxey hurinayaan dagaal diimeed ka dhex qarxa Muslimiinta & Kiristanka

Mareeg.com: La taliyaha dhanka sharciga ah ee madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Alshabaab doonayaan iney dagaal diimeed ka qarxiyaan dalka Kenya.

Cabdulqaadir Maxamed ayaa sheegay in sababta Alshabaab shalay gobolka Woqooyi bari ugu laaayeen dad badan oo Kiristan oo safar ahaa ay tahay iney isku diraan Muslimiinta iyo Kiristaanka Kenya.

Waxa uu C/qaadir ugu baaqay dhamaan shacabka Kenya, diin kasta oo ay haystaan, in ay muujiyaan midnimo oo ay ka soo horjeedsadaan waxa uu ku tilmaamay ‘fal dambiyeed’ ay geysatay AlShabaab.

Sabtidii, bas ka soo baxay Magaalada Mandera ee xadka la wadaagta Soomaliya ayaa la weeraray waxaana la toogtay 28 qof. Alshabaab ayaa sheegatay weerarkaas.

Wararku waxa ay sheegayaan in la kala soocay dadkii islaamka ahaa iyo kuwii aan ahayn, kaddibna la toogtay dadkii aan islaamka ahaayn.

Dadkii lagu laayeey weerarkaas ayaa xalay diyaarad lagu geeyey magaalada Nairobi. Dadka la laayey ayaa u badnaa Macalimiin iyo dadka ka shaqeeya caafimaadka.

Britain iyo Mareykanka ayaa cambaareeyey Weerarkaasi, waxayna ballan qaadeen in Kenya ay ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto argagixisada

Todobaadkii la soo dhaafay, booliska ayaa waxay albaabada u laabeen afar masjid oo ku yaala magaalada xeebta ku taala ee Mombasa, waxayna sheegeen in masaajidadaasi loo isticmaalayey in lagu keydiyo hub.

Kenya waxa ka dhacay weeraro tiro badan tan iyo markii ay ciidankeeda u dirtay Soomaliya 2011-kii.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!