Kenya: Alshabaab oo ka khudbeeyey toolooyin ka tirsan Mandera

Militants of al Shabaab train with weapons on a street in the outskirts of Mogadishu, November 4, 2008. The violence in Somalia has killed nearly 10,000 civilians since the start of 2007 and forced more than a million from their homes, triggering a humanitarian crisis that aid workers say is one of the worst -- and most neglected -- in Africa. REUTERS/Mowlid Abdi (SOMALIA)

Mareeg.com: Dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab ayaa markale la wareegay tuulooyinka tirsan gobolka Woqooyi Bari Kenya, waxeyna u khudbeeyeen dadka deegaankaas.

Tuulooyinka Alshabaab qabsadeen ee ay muddada kooban joogeen ayaa ka tirsan deegaanka Mandera ee ku taalla xadka Soomaaliya, halkaas Alshabaab ka geysteen weerarro dhiig badan ku daatay.

Dableydan ayaa waxa ay khudbado u jeediyeen dadka deegaanka, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof ay ka qaxeen tuulooyinkii ay deganaayeen. Weerarka kaddib ayaa waxaa soo warar sheegaya in albaabada la isugu dhuftay qaar ka mid ah iskuulada deegaanka.

Senetor-ka laga soo doorto deegaanka Mandera, Bilow Adan Kerow, ayaa sheegay in weerrarada Al Shabaab ay dhibaato ku yihiin guud ahaan gobolka. Waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay si degdeg ah wax uga qabato amni darrida ka jirta gobolka.

Alshabaab ayaa maalmo ka hor sidan oo kale ka khudbeeyey tuulooyinka hoos yimaada magaalada Gaarisa ee xarrunata gobolka Woqooyi Bari Kenya, taasoo muujineysa in Alshabaab si xoog leh u joogaan gudaha Kenya.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245