Kenay oo shaacisay Magaca Ninkii hoggaaminayay Weerarkii askarta lagu dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kenay oo shaacisay Magaca Ninkii hoggaaminayay Weerarkii askarta lagu dilay

Sirdoonka Dalka Kenya ayaa sheegay in Ninka hoggaaminayay kooxda ka tirsan AL-shabaab ee weerarkaas geysatay uu ahaa Macalin Iskuul oo degaanka Wajeer ku yaalla.

Magaciisa waxaa lagu sheegay Maxamed Xuseen Xasan oo Bare ka ahaa dugsi hoose oo ku yaalla Wajeer ayey sheegeen in uu ahaa ninka hoggaaminayay weerarka Sabtigii lagu dilay 11 qof ee aan Muslimka ahayn.

Weerarkaas ayaa waxaa lagu qaaday Bas ka baxay Nairobi kuna socday Mandheera,waxaa la socday 56 qof,waxaana 15 Nin oo uu hoggaaminayay Maxamed Xuseen Xasan ku qabteen inta u dhaxeysa Katuulo iyo War-guduud,halkaas oo ay dadka u kala saareen Muslimiin iyo dad aan Muslim ahayn.

Waxaa ay halkaas ku dileen 11 qof oo 8 ka mid ah ay ahaayeen Saraakiil Boolis ah oo shaqadooda dib ugu laabanayay halka mid uu ahaa Dhaqtar inta kalena lagu sheegay in ay ahaayeen dad rayid ah.

Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Xasan uu ka tagay Macallinnimada kuna biiray AL-shabab isaga oo aaday gudaha Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!