Nicholas Kay iyo Axmed Siilaanyo oo wadahadal ku dhexmaray Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Nicholas Kay iyo Axmed Siilaanyo oo wadahadal ku dhexmaray Hargeysa

Mareeg.com: Madaxweynha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay u qaybsamaha Soomaaliya Nicholas Kay oo shalay Hargeysa gaaray.

Wasiirka Arimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Warbaahinta u sharaxay waxyaabaha Madaxweynaha Mr. Kay ka wada hadleen ayaa sheegay inay kala hadleen meesha dalku marayo “Waxaanu kala hadalay meesha dalku marayo, waxaanu kala hadalay nabad galyada, wada hadalkii Turkiga ka socday, waxaanu kala hadalay Khaatumo oo aanu u aragno inay rabshad wado, waxaanu kala hadalay Puntland, waxaanu u sharaxnay in Somaliland tahay dad jecel nabada, wada hadalna ku dhamayn karo wax walba.” ayuu yiri Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “Dhamaan Qaybaha Qaramada Midoobay ee dalka oo uu madax ka yahay Nicholas Kay, waxa aanu ka codsanay inay nala shaqeeyaan, inay tababaro na siiyaan, inay xagga awooda wax nagala qabtaan, inay wax nagala qabtaan dhinaca Warbaahinta, Sharciga iyo Horumarinta Haweenka. Waxaanu aaminsanahay inay wada hadalo aad iyo aad u fiican ahaayeen, waxaanu go’aansanay inaanu wada shaqayno”

Nicholas Kay ayaa si balaaran uga mahadceliyay soo dhawayn iyo qadarin uu sheegay in loo muujiyay intii uu Somaliland joogay. Waxa uu sheegay in Xafiiskiisa UNSOM waxbadan la qaban karo Somaliland gaar ahaana waxyaabaha Somaliland Mudnaanta siinayso.

“Waxaanu Awoodnaa inaanu Somaliland ka caawino Waxyaabaha ay mudnaanta siinayaan, inaanu ka jawaabno Baahayaha Somaliland. Ujeedada Qaramada Midoobay waxa weeye inay dadka ku taageerto sidii ay ugu raaxaysan lahaayeen Nolol oo leh Nabad Wanagaasan, Nolol fiican, iyo iyadoo la xaq dhawrayo Xuquuda Aadamaha iyo Xorriyada Shaqsiga ahba”ayuu yiri Nicholas Kay.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Ambassador Nicholas Kay ayaa qiray in joogitaan la’aanta Xafiiska UNSOM ee Somaliland ay adkaysay taageerada loo fidin lahaa waxyaabaha mudnaanta u leh Somaliland.

Waxa uu sheegay in joogitaanka xafiiskiisa dib looga abuuri doono si ay iskaga kaashadaan dhinacyada ay isku afgarteen labada dhinac.

Halkaan ka dhgeyso Wixii ay labada dhinac ka wada hadleen

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!