Kaniisad Laga Furay Magaalada Hargeysa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kaniisad Laga Furay Magaalada Hargeysa

Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga furay Kaanisad la sheegay in ay ku cibaadeysan doonaan dadka aan Muslimka aheyn.

Dib u furista Kaniisada ayaa waxaa doorweyn ku lahaa HAWENEY Kirishtaan ah oo lagu magacaabo Maria Vechhinno taas oo ka Shaqeeysa Isbitaal ku dhexyaala Jaamacad ku taala Magaalada Hargeysa.

Maria Vechhinno oo khubad ka jeedineysay Munaasabad looga hadlayay mutadacninada ayaa waxa ay sheegtay in ujeedooyinkii ay u timid Hargeysa ay ka mid aheyd furitaanka Kaniisadan islamarkana ay ku guuleysatay.

Shacabka kunool Degaanada maamulka Somaliland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlaya Furista Kaniisadda.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!