Kalfadhigi ugu dambeeyay ee Baarlamanka oo maanta furmaayo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kalfadhigi ugu dambeeyay ee Baarlamanka oo maanta furmaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu maanta furo Kalfadhiga Sideedaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahana kii ugu dambeeyay ee baarlamanka ayaa maanta ka furmaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa sheegay in kalfadhigan Sideedaad uu noqonayo kii ugu dambeeyay, isagoo ugu baaqay Xildhibaanada inay ka soo qeyb galaan.

“Waxaa maanta inoo furmaya kalfadhigii 8aad ee Golaha shacabka, waa kalfadhigii ugu dambeeyay, tan iyo markii Baarlamaankii la soo dhisay sanadkii 2012, waxaa uu Baarlamaankan mudadiisa ku eg tahay 20-ka Agosto”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye “Jawaari” ayaa sheegay in kalfadhigan uu yahay mid muhiim ah, isla markaana loo baahan yahay dhamaan sharciyada hor-yaala Baarlamaanka la meel mariyo.

Kalfadhigan 8aad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa in lagu meel mariyo sharciyo dhowr ah oo hor-yaala Baarlamaanka, waxaa ka mid ah sharciga la dagaalanka Argagixisada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!