Kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka oo la waqtiyeeyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka oo la waqtiyeeyey

Mareeg.com: Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay waqtiga uu furmayo kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay in 20-ka bisha April ee socota uu furmi doono Kalfadhiga baarlamaanka Soomaaliya.

Jawaari ayaa go’aankaan uga dhawaaqay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaasoo uu Guddiga Axsaabta ee Baarlamaanka ugu soo xiray kulan howleed muddo u socday.

Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu u go’aamiyay furitaanka Kalfadhiga 6-aad ay noqoto 20-ka bishan April oo ku beegan maalinimo Isniin ah.

“Waxaan doonayaa in aan ku wargeliyo dhammaan Xildhibaannada Qaranka in furitaanka Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka loo asteeyey 20-ka bishan April oo ku aadan maalin Isniin ah waxaana laga codsanayaa dhamaan Xildhibaannada Baarlamaanka inay soo xaadiraan munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 6aad oo lagu qaban doono xarunta Golaha Shacabka” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka.

Ugu dambeyntii Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka C/kariin Buux ayaa tilmaamay in ka hor munaasabadda furitaanka Kalfadhiga ay sidoo kale guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka ay yeelan doonaan 15-ka bishan kulan la xiriira qorshayaasha kulamada ugu horeeya ee Baarlamaanka.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bilihii lasoo dhaafay ku jiray fasx, waxaana haatan sii dhamaanaya xilligii fasaxa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!