Kalfadhiga 5-aad ee baarlamanka Soomaaliya oo maanta furmay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kalfadhiga 5-aad ee baarlamanka Soomaaliya oo maanta furmay

Mareeg.com: Kalfadhiga 5-aad ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la furmaty magaalada Mqudisho, iyadoo xildhibaanadu kasoo laabteen fasax.

Munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka oo ka dhacday xarunta Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho waxaa kasoo qeybgalay Madaxweyne Xasan,  Guddoonka Baarlamaanka Prof. Jawaari, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Ilka-xanaf, Wasiirro, Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ugu horeyn khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa si kooban u guud maray howlihii u qabsoomay Golaha Shacabka Afartii Kalfadhi ee lasoo dhaafay, waxaana uu dhanka kale ka hadlay Hindise Sharciyeedyada la rabo iney Baarlamaanku ansixiyaan kuwaasi oo muhiim u ah halka la hiigsanayo 2016ka sida:- Federaaleynta, Garsoorka, Amniga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta Arrimaha Bulshada.

Gudoomiyaha baarlamaanka ayaa yiri “Qodobka saddexaad ee dastuurka, madaadii’da guud ee aan ku dhaaranay waxaa ka mid ah xukumad ku dhisan wada tashi, kala soocidda awoodda sharci dejinta iyo fulinta, garsoor Madax banaan, iyadoo ku dhisan,  isla xisaabtan iyo hufnaan iyo ka jawaabid danaha dadweynaha, sidaa daraadeed, Mudane Madaxweyne, Mudanayaal, Mudane kusime- Ra’iisul wasaare iyo mudanayaasha sharafta leh ee golahan, waxaan idin ka codsanayaa, anigoo naf ahaan iska bilaabaya in aan u hiilino xasiloonida siyaasadeed, xil gudasho hufan iyo horumarin”., waxaana guddoomiye Jawaari uu hadlakiisa ku daray “Ugu dambeyntii mudane Madaxweyne, Mudaneyaal waxaan rabaa in aan si cad, oo aad u adag, isla markaana aan mugdi mugdi ku jirin in aan halkaan idinkugu xusuusiyo, marna ma ogolaaneyno, mana aqbaleyno, marna indhaha ka laabanmeyno, mana ka sariiganmeyno in lagu talax tago xasaanadda xildhibaannada sharafta leh”

Afhayeenka Golaha Baarlamaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u diray Xildhibaannada maqan oo uu xusay inaanan loo dulqaadan doonin maadaama kalfadhigan 5aad Baarlamaanka ay horyaalaan howlo badan, waxaana uu dhanka kale si adag ula dardaarmay Guddoomiyeyaasha Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka oo uu ku booriyey iney howlahooda laba laabaan Kalfadhigan 5aad si halka la hiigsanayo loo gaaro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Golaha Shacabka ka hor jeediyey Khudbaddiisa dastuuriga ah ayaa ugu horeyn yiri “waxaa sharaf weyn ii ah inaan maanta furo Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” waxaana Golaha Shacabka uu ku ammaanay shaqooyinkii adkaa ee ay soo qabteen labadii sano ee lasoo dhaafay, daruuf walba oo ku hor gudbooneed, sidoo kalena Madaxweynaha waxa uu tacsi u diray Xildhibaannadii naftooda u huray diinta, karaamada iyo Qarannimada Umadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kooban Xildhibaannada ugu guud maray howlaha ugu waaweyn ee ay dowladdu ka qabatay dhinacyada Amniga, howlgallada deegaanno iyo degmooyin badan oo dalka ka mid ah looga xoreeyey Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab, hirgelinta iyo dhismaha maamul goboleedyada, shirarka dib u heshiisiinta ah ee ka socda magaalooyin ka mid ah dalka, dhismaha hay’adaha dowladda iyo toosintooda taasi oo horseeday buu yiri iney dowladdu bixiso mushaaraadka Ciidammada Qalabka Sida iyo shaqaalaha rayidka ah, hormarinta Waxbarashada Dalka iyo wanaajinta xiriirka dalalka deriska ah iyo kuwa caalamka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dalka ayaa faah faahin ka bixiyey dacwad ay Dowladdu u gudbisay Maxkamadda caalamka oo la xiriirta Badda Soomaaliya iyo shirkado si sharci darro ah kheyraadka uga baaraya Dalka, Baarlamaanka ayuuna ka codsaday iney ku garab ku siiyaan qabashada howlahaasi, sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha ka hadlay Hiigsiga 2016-ka, isaga oo Xildhibaannada Golaha Shacabkana ka hor ballan qaaday inaanay dhici doonin mudo kororsi ama dowlad xubnaheeda lasoo xulo, isla markaana ay dalka ka dhici doonto doorasho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Xukuumadda iney wadashaqeyn joogta ah la yeelato Baarlamaanka, fariin ayuuna dhanka kale u diray shacbiga Soomaaliyeed oo uu ku booriyey iney si isku duubni ah meel ugasoo wada jeestaan cadwgooda oo ah Argigixisada Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, beesha caalamkana waxa uu ku booriyey iney sii laba jibaarto taageerada ay lagarab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, ugu dambeyna waxa uu Baarlamaanka u rajeeyey labada sano ee soo socota guul iyo horumar.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!