Kadib xiristii SNTV, Puntland. Soomaaliya ma ahan Puntland ee Puntland ayaa Soomaaliya ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kadib xiristii SNTV, Puntland. Soomaaliya ma ahan Puntland ee Puntland ayaa Soomaaliya ah

Dowladda Puntland oo xirtay telefshinka qaranka Soomaaliyeed.
http://www.mareeg.com/puntland-oo-mamnuucday-tv-ga-qaranka-soomaaliya-sntv/Meeshaas waxaa nooga cad wax badan oo qarsanaa.

Cidii aaminsanayd wax la yiraahdo dowlad Soomaaliyeed ha ku quus
qaadato. Talaabadan guracan. Anigu kama tirsani shaqaalaha wasaaradda
warfaafinta dowladda Soomaaliya laakin waxan aad uga xumaaday sida
Bugcad yar oo soomaaliya ka mid ah ay u doonayso inay waxay doonto
sameyso. Warbaahinta qaranku waa awooda labaad ee dalka kadib Ciidanka
qaranka. Aad baan uga naxay go’aanadan aan isbedelka lahayn ee madaxda
Puntland ku ordayaan iyagoon eegaynnin dhaawaca ay ku reebi karaan
maskaxda iyo quluubta dadka Soomaaliyeed.

Talaabooyinka nuucaas oo kale ah waxay dadka kale ee maangaabka ah u
sheegayaan inay iyana sameeyaan markay doonaan waxaas oo kale.

Haddii marka madaxdii Puntland sidaaas u dhaqmeen soo dhaawac maahan.
Maxaa faa’iido ah oo ku jira in la xiro warbaahinta qaranka iyadoo la
heli karay in laga dacwoodo ama raali-galin laga dalbado.

Waa inaan ogaanaa in dad yar oo xukun haya aysan ka wakiil ahayn oo
aan loo nisbayn Karin guud ahaan shacabka ku hoos nool. Laakin
musiibadda oo dhan kama timaado kuwa xun xun ee sidoo kale waxay ka
timaadaa ka aamusnaanta kuwa wanaagsan ay ka aamusan yihiin inay ka
hadlaan kuwa xumaata sameynaya.

Xiritaankaas waa mid siyaasadeysan oo malaha madaxda Puntland waxay
wasaaradda warfaafinta ka urinayaan dad aan reer-Puntland ahayn inay
Maamulaan ama ugu yaraan wasiirka wasaaradda warfaafintu uusan reer
Puntland ahayn. Waa dhaawac wayn oo Soomaaliya gaaray waxaasi ka daran
haddii looga haro ama si fudud looga gudbo. Puntland iyadaa
Soomaaliya.

Sax ma ahan haddii aad tahay masuul inaad hawadaada la ciyaarto
saxaafadduna maahan wax aad adigu leedahay runtiina waxa sabab u ah in
talaabooyinkan soo noq-noqdaan in dad aan aqoon iyo aragti
hoggaamineed lahayn ay umaddii horboodayaan.

Waxaan madaxda qaranka iyo warbaahinta qaranka u sheegayaa inaysan
xitaa haddii ay Puntland ogolaato in dib loo furo xafaasiyada ay
xirtay aan la furin illaa la helayo wax cad oo sabab ah.

Macquul maahan in warbaahintii qaranka soomaaliyeed oo ah indhaha iyo
dheha guud ahaan soomaaliya laga mamnuuco Bugcad yar oo Soomaaliya
sheeganaysa.

Anigu ma aqaan sida wadan labo madaxwayne u yeelan karo, laakin waxaa
talaabada Puntland qaadatay ka haboon talaabooyinka Soomaaliland oo
iyadu si cad u sheegtay inaysan Soomaaliya ka mid ahayn.

–Dhamaad

N.B. Cidii u baahan inay maqaalkan daabacdo wax lacag ah lagama rabo.
Sharuud waa in aadan wax ka bedelin fariinta, hadii aysan ahayn inaad
saxdo, wax la xariira, qalad xagga makiinada la xariira. Typo-errors.

Details:

Mohamed Odowa,

Senior Journalist from Somalia and Freelancer at,Deutsche
Presse-Agentur GmbH (dpa), Somalia.

Current Location: Mogadishu-Somalia

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!