Kadib, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Maamulka Juba: Maxaa soo baxay? By Mohamed Odowa * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kadib, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee Maamulka Juba: Maxaa soo baxay? By Mohamed Odowa

Maamulka Juba ee Kismaayo ayaa xariirka u jaray dowladda Soomaaliya ee
fadhisa Muqdisho oo aduunku aqoonsanyahay.

Waxaa muuqata in Soomaaliya meeshii aan roob ka sugeynay inay
ceeryaamo soo muuqato, waxana dalka ku soo biiraya hoggaamiye kooxeed
cusub ama kooxo siyaasadeed oo Kenya iyo Itoobiya kala matalaya.

Maamulka Juba waxa hoggaaminaya kooxo Soomaali ah laakin ay hoos ka
maamusho Madaxtooyada Kenya gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibedda
Kenya. Maamulayaasha Juba oo isku arka xoog cusub oo dalka ku soo
biiray, waxay ku dhaqaaqeen go’aan dad badan oo Soomaali ah ay mudo ka
filayeen markii ay sheegeen inay xariirka u jareen dowladda Soomaaliya
oo iyaduba aan wax ixtiraam ah markii horeba ku haysan maamulkaa iyo
Kan Puntland intaba.

Dad badan ma aaaminsa in Maamulayaasha Juba ay wax ka bedeleen nolosha
deegaanka tan markii ay soo galiyeen dhulka jubooyinka Ciidamada Kenya
oo lagu eedeeyey xad-gudub badan oo ka dhanka deegaanka iyo dadka.
Waxana dhawaqaan cusub uu sii xoojin karaan shakigii hore looga qabay
Madaxda Maamulka Juba.

Alle ha u naxariisto, Soomaaliyaddii hore: Maamulka Juba waxa aad
dabada uga riixaya Kenya iyo toobiya waxana ujeedadu tahay in
Soomaaliya laga dhiso dhawr dowladood oo kala socda markii la rabana
la iska hor-keeno. Inta badan go’aanada Maamulayaasha Juba waxay ka
yimaadaan dhanka Kenya, kamana muuqato calaamad Soomaalinimo iyo
rabitaan dowlad Soomaaliyeed.

Fursad ayey al-shabaab u tahay in Maamulka Juba uu qaato go’aan sidaa
ah oo uu xariirka u jaro Soomaaliya inteeda kale. Waxaa kale oo ay
fursad siinaysaa ggo’aamkaasi kooxo badan oo markii horeba u arkeyey
maamulka Juba mid ay wadato dowladda Kenya.

Ujeedada ugu weyn ee Itoobiya iyo Kenya ay ka leeyihiin Maamulada sida
kan Juba waa in ay mar walba ku dhex jiraan siyaasadda Soomaaliya
islamarkaana ay ku dhexyeeshaan dad u fuliya danahooda siyaasadeed ee
gobolka.

Maxaad ula yaabaysaa haddiiba ay Baarlamaan Soomaaliyeed yihiin inay
diidaan wax ay u arkaan sharci daro oo ah sida dad badan u arkaan
Baarlamaan ku sheega Juba oo dhaliyey khilaaf kii hore ka xoog badan.

Maamulayaasha Juba waxay dadka ugu goodinayaan dagaal sokeeye. Laakin
taasi ma ahan xal waxaana muuqata in xitaa aysan xariir dhaw la lahayn
Maamulka ka jira Baydhabo oo iyana ku eedeeyey kan Juba cadaalad
darro.

Dowladda Soomaaliya ee Madaxwayne Xassan Maxamuud waxay ku socotaa
wadada dowladdii Liibiya martay markii xulufada Mareykanku ay rideen
hoggaamiye, Qadaafi.

Bartamaha Soomaaliya waxaa xarumihii dowladda la wareegay, kooxda
hubeysan ee Ahlu-sunna waljameeca oo dad badan ay u arkaan inay tahay
koox-diimeed quyar socod ah.

Xagga danbe waxa ka xiga Puntland oo isku aragta inay tahay
dowladd-Madaxbanaan.

Koofurta Hoosena waxa ka soo baxay Maamulka Juba oo iyana aaminsan in
ka amar qaadashada Muqdisho ay kaga wanaagsan tahay, inay wax ka
dhagaystaan Madaxtooyada Kenya. Xagga Baydhabana waad maqli doontaa,
dhawaqooda iyo iyagoo sheegaya in dowladda Muqdisho ay xariirka u
jareen. Filo arrintaa:

Baarlamaanka loo dhanyahay ee fadhigiisu yahay Muqdisho waxay qaateen
go’aankii ugu wanaagsan oo ay ku tijaabinayaan awoodooda dastuuriga ah
iyagoo ka hor-yimid wax u muuqday inay yihiin shirqool Kenya ay soo
amaamugtay oo ah Baarlamaan madaxbanaan oo uu yeesho dhulka jubooyinka
iyo Gedo oo hadda ama, Jubaland, (sida loogu Yeeray)

Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa meel mariyey guddiyada xaduudaha iyo
doorashooyinka waxana ay hadda sugayaan in Baarlamaanka la
horgeeyo.Maamulka Puntland ayaa qarka u saaran in arrintaas awgeed ay
xariirka u jaraan dowladda Soomaaliya.

Intaan wax ka qorayey arrimaha Soomaaliya ma arki maalmo ay kaga
xanuun badan tahay Soomaaliya waqtigaan. Waxan arki jiray
dowlad-dowlad kale xariirka u jarta laakin waa wax nagu cusub inaan
aragno Maamul ama gobol dowlad uu ka tirsanyahay oo, la aqoonsanyahay
xariirka u jaraya. Taa micnaheeda cid walba oo qoraalkan aqrisa hoos
ha u eegto. Soo markaa kuu soo biximayso in Soomaaliya ay ka jiraan
dowlad-yar yar oo markii ay rabaan kala fur-furaya iyagoo qaar kood
xanbaarsan siyaasaddaha dowladdaha Kenya iyo Itoobiya.

In itoobiya aysan Soomaali dowlad u aqoonsaneyn waxa kuu xaqiijinaya,
markii wasiirkii Madaxtooyada Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad uu
Jigjiga u tagay inuu la fadhiisto Maamul heer gobol oo uu kala hadlo
arrimo quseeya dagaalo ka dhacay xaduuda, Gobolka galgaduud uu la
wadaago Aaaga Shanaad ee Itoobiya maamusho.

Soo ma fiicneyn in qaab-laba dowladood loo wada hadlo oo ay wada
hadlaan Itoobiya iyo Soomaaliya? Haaa: laakin La soco Itoobiya waxay
qoonsantahay in Soomaaliya aysan hal dowlad lahayn oo ay tahay maamulo
yar yar oo iyaguna is-diidan dariska diidan oo ay tahay in mid walba
gaarkiisa qol-mugdi ah lagula shiro. Haddii aan si Kooban kuugu sheego
Ujeedada Kenya, Itoobiya iyo IGAD waa in ay aduunyada u muujiyaan in
Soomaaliya aysan lahayn dowlad wax maamusha dadkeeduna uu yahay dad
aan Ismaamuli karin Islamarkaana aan dowlad dhexe ku midoobi karin,
sidii horeba ay ugu guuleysteen xoogagaas shisheeye inay Soomaaliya
ugu yeeraan “A failed State”.(Dal Guuldareystay)

—–Dhamaad

N.B. Maqaalkan waad daabici kartaaa, kaamana gadna ama ma ahan mid
loogu talagay inaad iibsato. Kaliya waa inaad aragtida qoraalka waxba
ka bedelin marka laga reebo inaad saxi karto wixii qalad xagga
Makiinada la xariira (Typo-erros)

Sidoo kale dad badan ayaa isku dayey inaad si qalad iigu soo jawaab
celiyaan iyagoo ka xanaaqsan qoraalada af-Soomaaliga ah ee aan mararka
qaar sameeyo. Walaayaaal markii horeba waan ogaa intaana qorin ka hor
in dadka dhan aysan I wada amaani doonin laakin hadda aan la I wada
caayi doonin. Ka suxufiyiin ahaan waa caadi inaan dadka ka careysiino
mararka qaar kood markaan aragno siyaasi si xun wax u maamulaya:
Sometimes, Journalists have to fan the flame!

Thank you, All!


Details:

Mohamed Odowa,

Senior Journalist from Somalia and Freelancer at,Deutsche
Presse-Agentur GmbH (dpa) and, dailymail or Mailonline,Etc.

Current Location: Mogadishu-Somalia.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!