Kaawo Ku Taalla Duleedka Degmada Kaaraan Oo Maanta Soo Duntay Iyo Dad Ku Dhintay
Waxaa goordhow Duleedka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku soo duntay Kaawo waxaan ka dhashay khasaaro soo gaaray Afar qof oo kamid ah dadka Kaawada Qota.
Afarta Qof ee ku soo duntay Kaawada ayaa la sheegay inay ku geeriyodeen halkaasi sida uu sheegay Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta.
Gudoomiyaha Degmada ayaa sidoo kale sheegay in Meydadka Afarta Qof hadda ay ku guuleysteen in ay dibadda u soo saaraan islamarkaana ay hadda ku howlan yihiin raadinta Dad kale oo Ciida ku hoos jira.
Dhowr jeer ayaa Dad ku dhintay Gododka laga qodo Kaawooyinka oo ku yaalla Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.
Comments are closed.