Kaaliyaha Xog-hayaha Arrimaha Debadda Mareykanka Ee Afrika Oo Tagtay Muqdisho

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka ee u qaabilsan Afrika Linda Tomas ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Mrs. Linda Tomas ayaa qeybta VIB-da ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxaa ay kula kulantay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Wasiirada Arrimaha Dibada Soomaaliya Fowziyo Yuusuf.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Linda Thomas-Greefield ayaa waxa ay kaga wada hadleen sidii dowladda Maraykanka ay u taageeri lahayd baarlamaanka Soomaaliya iyo xiligan sida uu baarlamaanka u shaqeeyo.

Kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka ee Afrika Linda Thomas-Greefield oo kulanka ka hadashay ayaa sheegtay in muddadii sanadka ahayd uu baarlamaanku ku talaabsaday talaabooyin horumar leh iyadoo soo dhaweysay go’aankii uu dhawaan baarlamaanka codka kalsoonada kala noqday Xukuumaddii R/wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo isna gabo gabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wefdiga ka socda Maraykanka ay kawada hadleen arrimo badan, kuwaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay mid ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad.

Haweeneydan ayaa bedeshay Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka Jonny Carrson, iyadoo booqashadan ay tahay tii u horeysay ee ay ku timaado magaalada Muqdisho.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %