Jurus iyo Jacfar oo lagu soo gunaanaday xil ka qaadista gudoomiyaashii degmooyinka Banaadir

Read Time:50 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Gudoomiyaashii degmooyinka Yaakhshiid iyo Howlwadaag, Muxudiin Xasan (Jurus) iyo Maxamed Abuukar (Jacfar) ayaa lagu soo gunaanaday xil ka qaadista gudoomiyaashii degmooyinka gobolka Banaadir, oo maalmihii lasoo dhaafay uu xilka ka qaaday gudoomiyaha godolka Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) uu ku wargeliyey labadaas gudoomiye in xilka laga qaadayo, booskoodana loo magacaabayo gudoomiyaal cusub.

Sida uu Mareeg Media u sheegay mid gudoomiye ku xigeenada mid ka mid degmooyinka gobolka Banaadir, waxaa la filayaa in ilaa berri gudoomiyaasha cusub ee labadaas degmo loo gacan geliyo warqadda magacaabista iyo xil ka qaadista guydoomiyaashii ka horreeyey.

Degmada Yaakhshiid waxey u badantahay in loo magacaabay nin dhallinyaro ah oo dhawaan kazoo laabtay dalka Masar, halkaasoo uu kusoo diyaariyey shaahadada Master-ka, waxaana magaciisa uga gaabsanay inaan weli si rasmi ah loo shaacin.

Waxaa horay xilka looga qaaday gudoomiyaashii ku waqtiga ahaa Jacfar iyo Jurus, kuwaasoo muddo dheer intooda badan xilalka hayey.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %