Jubbaland Oo Xirtay Xadka Soomaaliya Ay La Wadaagto Kenya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jubbaland Oo Xirtay Xadka Soomaaliya Ay La Wadaagto Kenya

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in Xadka Soomaaliya ay la wadaagto dalka Kenya ay ka xireen dhanka magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Arrintan ayaa timid, kadib markii muddooyinkii uu jiray khilaaf u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo ka taagnaa Xadka ay wadaagaan labada dal.

Wararka laga helayo gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in gabi ahaan la hakiyay dhaq dhaqaaqii Xadka ee labada dhinac.

Waxaaana arrintaasi saameyn xoogan ay ku yeelatay shacabka la bada maamul ee Mandera iyo Beled-Xaawo oo uu ka dhaxeeyay xiriir Ganacsi iyo mid waxbarasho intuba.

Ilaa iyo hadda kama hadlin maamulka Jubbaland arrintaasi, balse indhawaanahan waxaa halkaasi ka taagnaa muran xoogan oo u dhaxeyay Ciidamada Kenya iyo shacabka ku dhaqan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!