Jubbaland oo xilalkii ka qaaday Guddoomiyeyaal taageeray Dowladda Somalia

Read Time:29 Second

Wareegto  kasoo baxdey Xafiiska Madaxweyne kuxigeenka 2aad ee Jubbaland  Cabduqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) ayaa xilalkii loga qaadey qaar kamid ah maamulka gobolka Gedo halka xilal loo magacaabey masuuliyiin cusub.

Mas’uuliyiinta xilalka laga qaaday ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Luuq,Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Gedo Cismaan Xaaji Nuur, iyo Guddoomiyaha degmada Baardheere.

Sidoo kale Jubbaland ayaa Guddoomiyeyaal Cusub waxaa ay u Magacaawday degmooyinka Luuq iyo Baardheere iyo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka gedo.

Mas’uuliyiintaan xilalka laga qaaday ayaa waxaa ay dhawaan sheegeen inay la Shaqeynayaan doowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay ku sugan yihiin Magaalada muqdisho.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.