Jubbaland oo War lama filaan kasoo saartay Dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jubbaland oo War lama filaan kasoo saartay Dagaalkii ka dhacay Balad-xaawo

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka hadlay dagaal xoogan oo saqdii dhexe ee xalayn degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ku dhexmaray Ciidanka dowladda Federaalka ee Haramcad iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Ciidanka amniga Jubbaland C/rashiid Janan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo la hadlaayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa u sheegay in fariisimo Ciidanka Maamulkooda  ay lahaayeen weerar kusoo qaadeen Ciidanka dowladda ee ku sugan Balad-xaawo, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay la wareegeen Saldhigyo iyo Xarumo kale oo ku yaalla Balad-xaawo, kadib markii dagaal uu dhexmaray iyaga iyo Ciidanka dowladda Federaalka ee jooga degmadaas, uuna jiro khasaaro soo kala gaaray labada dhinac.

“Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa la wareegay qeybaha kala duwan ee degmadda iyadoo rasaasna wali la maqlayo laakin saraakiisha Jubbaland waxaa ay inoo shegeen in ay magaalada gacanta ku hayaan” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalkii dhacay gudaha degmada Balad-xaawo oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda iyo Jubbaland, in kastoo aan la xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.