Jubbaland oo soo bandhigtay Xubno ka goostay Al-Shabaab+Sawirro

Read Time:38 Second

Hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa Maanta magaalada Kismaayo waxaa ay kusoo bandhigtay Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ay sheegeen inay isku-soo dhiibeen.

Xubnahaan oo garaya Sideed ayaa waxaa ay u badan yihiin dhalinyaro,waxaana la sheegay in muddo dhowr sano ah ay ka tirsanaayeen Ururka Al-Shabaab.

Sarakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxaa ay sheegeen in on Xubnahaan ay la soo xiriireen si ay uga soo baxaan Al-Shabaab lana soo dhaweeyey,sidoo kalena la geeyey xarun lagu haayo Xubnaha kasoo baxa Al-Shabaab.

Jubbaland ayaa maalma ka hor waxaa ay sidaan oo kale u soo bandhigtay Xubin ka tirsanaa Al-Shabaab kana howlgeli jireyu Gobolka Gedo,kaas oo isku soo dhiibaey Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmada Balad Xaawo.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %