
Read Time:21 Second
Golaha amniga maamulka Jubbaland ayaa kulan ka yeeshay arrimaha amiga Jubbaland xiliga doorashooyinka lagu guda jiro.
Kulanka ayaa waxa shir gudoominaayay madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmad Madoobe).
Golaha ayaa soo saaray go’aano adag oo la xiriira dhanka amniga, waxayna digniin u direen odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo xiriir la leh Al-shabaab, iyadoo oo Hay’adda NISA la faray inay tallaabo adag ka qaado cidii ku xadgudubta amniga.