Jubbaland iyo Puntland oo shaaciyay Guddi muddo laga sugayay, xili ay horey… * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jubbaland iyo Puntland oo shaaciyay Guddi muddo laga sugayay, xili ay horey…

Maamulada Jubbaland iyo Puntland oo horey uga biyo diidanaa Magacaabista xubnaha guddiga doorashada heer maamul Goboleed ayaa ugu dambeesay soo magacaabay xubnaha guddiga ku matali lahaa kadib cadaadis xoogan oo uga yimid Beesha Caalamka.

Madaxda labada maamul Goboleed ayaaana aqbalay dadaaladii uu waday Wakiilka Beesha Caalamka James Swan oo ku aadanaa xal u helida doorashada, waxa ayna labada Madaxweyne ugu dambeen aqbaleen in guddiga doorashada soo magacaabaan.

Waqti dambe oo habeenkii xalay aheyd ayey Puntland iyo Jubbaland soo saareen War-saxaafadeed wadajir ah oo ay uga hadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka, heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Muqdisho iyo khilaafka weli ka taagan doorashada.

Labada maamul ayaa Madaxda dowladda Federaalka SOomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada ugu baaqay inay shir deg deg ah isugu yimaadan Magaalada Muqdisho 30-ka bishaan, six al buuxa looga gaaro doorashada dalka ka dhaceya.

Halkan ka Akhriso Magacyada xubnaha labada maamul guddiga ku matalaya

Liiska Guddiga Doorashada Heer Maamul Goboleed ee Jubbaland

  1. 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐮𝐫𝐬𝐚𝐥
  2. 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐮𝐦𝐚𝐫
  3. 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐍𝐮𝐮𝐫
  4. 𝐒𝐚𝐦𝐬𝐚𝐦 𝐅𝐚𝐚𝐫𝐚𝐱 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫
  5. 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐮𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐚𝐚𝐛
  6. 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐈𝐛𝐫𝐚𝐚𝐡𝐢𝐦
  7. 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝
  8. 𝐀𝐛𝐮𝐮𝐤𝐚𝐫 𝐍𝐮𝐮𝐫 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢

Liiska Guddiga Doorashada Heer Maamul Goboleed ee Puntland

1 Cabdikariim Muuse Maxamuud

2 Muuse Cabdulqaadir Ducaale

3 Axmed Cabdi Maxamuud

4 Caynaanshe Yuusuf Xuseen

5 Caydaruus Axmed Faarax

6 Cabdirisaaq Cabdulle Faarax

7 Farxiya Xuseen Maxamuud

8 Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More