Jubbaland iyo P/Land oo shuruudo ku xiay ka qeyb galka Shirka Muqdisho

Read Time:1 Minute, 5 Second

Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa la sheegay inay shuruudo hor leh ku xireen ka qeyb galka Shirkii uu ku baaqay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dib u dhaca uu ku yimid.

Madaxweyneyaasha Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni ayaan weli soo gaarin Caasimadda dalka Muqdisho, si ay uga qeyb galaan Shirka uu baaqay Farmaajo ee la filayay inuu qabsoomi intii u dhexeeysa 18-19-ka Febraayo.

Warar la helayo ayaa sheegaya in shuruudaha ay ku xireen Madaxda labada maamul ka qeyb galka shirka ay kamid yihiin inay doonayaan in shirka uu ku baaqay Farmaajo lagu qabto Xerada Xalane iyo in aysan kalsooni ku qabin tegitaanka Caasimadda dalka.

Sidoo kale Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa la sheegay inay dalbadeen in shirka lagu saxiixayo qodobada heshiiskii looga gaaray Shirkii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ay goobjoog ka noqdaan Wakiilada Beesha Caalamka.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horey shuruudo dhowr ah ku xiray ka qeyb galka shirar looga hadlayay doorashada dalka ka dhaceysa, iyagoona ah isbaheysi kasoo horjeeda Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba Jubbaland iyo Puntland ayaa horey Madaxda dowladda ee waqtigoodu idlaaday ka dalbaday in Ciidanka dowladda Federaalka ee lagu daabulay Gobolka Gedo ee Jubbaland laga soo saaro, si halkaas  ay uga dhacdo doorashada Baarlamaanka.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.