Juballand oo dhameystirtay doorashada qeybtii Koowaad ee xubnaha aqalka hoose * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Juballand oo dhameystirtay doorashada qeybtii Koowaad ee xubnaha aqalka hoose

Juballand oo dhameystirtay doorashada qeybtii Koowaad ee xubnaha aqalka hoose (Akhriso Magacyada)
Baarlamanka Maamulka Juballand ayaa maanta ku soo gebagebeeyey magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose wejigii koowaad ee doorashada xubnaha aqalka hoose u metelaya maamulkaas.

Doorashadan oo soo bilaabatay shalay ayaa waxaa isu soo taagay musharaxiin badan, waxaana la doortay illaa 13 xildhibaan sida markii horeba uu qorshuhu ahaa.

Xildhibaanada maanta la doortay ee ka mid noqday baarlamanka cusub ee Somalia ayaa waxay kala yihiin:

1-C/raxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxman dheere)
2-Axmed Cismaan Ibraahim
3-Sacdiyo Muuse C/laahi
4-Farxiyo Xasan Axmed
5-C/qaadir Sheekh Cali
6- Sheekh Nuur Maxamed Xasan.

Sidoo kale waxaa shalay lagu doortay magaalada Kismaayo illaa 7 xildhibaan oo noqday qeybtii ugu horeysay ee lagu doortay wejiga koowaad ee doorashada xubnaha aqalka hoose Jubaland kuwaasoo kala ahaa:-

1-Cabdirashiid Maxamed Xidig.
2-Xamse Sheekh Xusseen.
3-Cabdullaahi Yuusuf Alankey.
4-Maryan Aweys Jaamac.
5-Cismaan Libaax.
6-Luul Cabdi Aadan.
7-Cabdicasiis Cabdullaahi Yuusuf.

Labada tiro ayaa marka la isku daro waxay isku noqonayaan illaa 13 xildhibaan, iyadoo Juballand lagaa rabo 43 xildhibaan, waxaana u harsan doorashada 30 xildhibaan oo la filayo iney maalmaha iyo todobaadyada soo socda dhameystiraan.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!