Jowhar:Wasiir Nuux oo weeray xarunta doorashada Aqalka hoose ka dib markii laga cod badiyay

Read Time:1 Minute, 6 Second

Hirshabelle:Iska hor imaad Goordhaw ka dhacay xarunta ay ka socotay Doorashada Aqalka Hoose ee JowharWararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in goordhaw afaafka hore ee xaruta ay ka socoto doorashada ay ka dhacday iska hor imaad u dhaxeeyay Musharxiin ku tartamayay kursiga aqalka hooe ee Baarlamaanka.

 

Iska hor imaadka ayaa dhacay xili xarunta Farjano ay ka socotay doorashada Aqalka hoose ay ku tartamayeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaradaha iyo labo Musharax oo kale kuwaa oo kasoo jeeda Beesha Gugundhabe gaar ahaan Jufada Jidle.

 

 

Xaalada xaruta ay doorashada ka socotay ayaa mar qura laga dareemay qal qal aad u xoogan kadib markii banaanka xarunaasi uu dagaal ku dhax maray ilaalo uu watay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux

 

 

Xarunta ay kasocotay doorashada Aqalka hoose ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay foodo kadib markii Wareega koowaad Doorashada Aqalka hoose looga codad batay Wasiirka dhalinyraada, waxaana Wasiirka uu helay codad gaaraya 21-cod halka Musharaxii ka horeeyay uu helay 24-cod halka mushaaxa sadexaad uu helay 7-cod.

 

 

 

Wasiir Nuux ayaa la sheegay in uu ka cabsaday in doorashada looga adkaado, waxa uuna ka baxay goobta doorashada ka socotay kadib markii ay foodo ka bilaabatay, waxaana wali socda xal lagu raadinayo iska hor imaadka dhacay iyo buuqa hoolka ka dhacay.

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %