Jowhar: Webiga oo sii daayey biyaha Siimowga iyo maamulka oo baaq jeediyey * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jowhar: Webiga oo sii daayey biyaha Siimowga iyo maamulka oo baaq jeediyey

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee goblka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaafado ka tirsan magaalada lagu arkay biyaha Siimow-ga ee ka dhashay kor-shubka wabiga Shabelle oo qarka u saaran inuu kar-kaarka jabsado kadib markii tuulooyin hoos yimaada Jowhar uu fatahaad ka sameeyay.

Xaafada Horseed ayaa qeyb ka mid ah dadka ay guryaha ugu soo galeen biyaha Siimow-ga ee kor-shubka wabiga Shabelle, waxaana socda dadaalo la doonayo in looga hortago fatahaad uu sameeyo Wabiga.

Gudoomiyaha degmada Jowhar Maxamed Amiin Cismaan Caqiil ayaa sheegay in saakay ay howlo ka wadaan xaafadaha, si ay uga hor-tagaan fatahaada, waxaana uu xusay in xaafada Faanoole uu soo galay Siimow ama kor-shubka biyaha wabiga Shabelle.

“Saakay waxaa joognaa Xaafada Horseed qeybteeda Faanoole, waxaa soo buuxiyay siimo ama kor shub, Fatahaad toos ah ma jirto, balse maamulka degmada wuxuu wadaa dadaalo la isaga kaashanayo sidii looga hortagi lahaa” ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Amiin.

Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa intaas ku daray in xaafadda Kulmis waaxdeda Buulo-makiino ay iyadana biyaha soo galeen, isagoo intaas ku daray in garoonka kubadda cagta ay biyo badan soo galeen.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa waxa uu ka hadlay biyo siimoow ah oo lagu arkay Xaafado katirsan Magaalada Jowhar iyadoona uu sheegay in xaalad adag ay ka baqdin qabaa.

Gudoomiye Xaaji Cali Guudlaawe ayaa codsaday in laga caawiyo xirita Biyaha Siimoowga ee Wabiga Shabelle uu ka sameynayo Xaafado ku yaalla Magaalada Jowhar.

Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in markii ay la sheekeysteen dadka da’da ah ee mudada fog kusoo noolaa Jowhar ay usheegeen in aysan weligood arkin biyaha Siimowga ee wabiga Shabeelle ka wado Jowhar.

Sanadkii hore ayaa waxaa degmada Jowhar iyo tuulooyinka ku hareereysan ku fataha Webiga Shabeelle, taasoo keentay in laga barakaco deegaano farabadan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!