Jowhar: Qof Ku Dhintay God Carrada Laga Qodo Oo Dumay Iyo Qof Ku Dhaawacmay Qarax * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jowhar: Qof Ku Dhintay God Carrada Laga Qodo Oo Dumay Iyo Qof Ku Dhaawacmay Qarax

Jowhar, Mareeg.com: Hal ruux ayaa ku dhintay mid kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib markii ay ku soo duntay carro ay ka qodanayeen meel u dhow agagaarka webiga shabeelle ee degmada Jowhar.

Qofka dhaawacmay oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in carrada ay ku so duntay iyaga oo ku jira howshooda shaqo, isla markaana ay sababtay dhimashada halkaasi ruux.

Waxa uu sheegay in gurmad ay u fidiyeen qaar ka mid ah dadka qota carrada ay ku guulaysteen in ay ku soo badbaadiyaan afar ruux oo kale.

Buurta laga qoto carrada ee u dhow webiga shabeelle ee degmada Jowhar ayaa waxaa u shaqa tago dad badan kuwaas oo ku maareeya noloshooda iyo tan qoyskooda.

Dhawaan ayay aheyd markii shil nuucaan oo ka dhacay Kismaayo ay ku geeriyoodeen 5 ruux oo ka shaqeynayey meel carada iyo dhagaxa laga qodo.

Dhanka kale, sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaray Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe, qarax khasaaro geystay ayaa wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa bambada nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar, gaar ahaan suuqa Jaadka lagu gado.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka Dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray wiil yar oo ku sugnaa suuqa jaadka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!