Jowhar oo diyaar garow ugu jirta marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jowhar oo diyaar garow ugu jirta marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku guda jira diyaar garow ballaaran oo ku aadan marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo dhowaan lagu wado inuu bilowdo.

Xarun loogu tala galay in lagu qabto shirka maamul u sameynta iyo guryo la dejinayo martida iyo wafuuda ayaa lagu diyaariyay magaalada, iyadoo diyaar garowgan uu yahay mid si xowli ah u socda.

Hoolkan Shirarka loogu tala galay ayaa markiiba waxaa uu qaadaa ku dhowaad labo kun oo ruux, waana howl aad u ballaaran oo wali diyaarintiisu socoto, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda la qalabeeyo.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Cali Guudlaawe ayaa sheegay in shacabka Jowhar ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta martida imaaneysa magaalada, isagoo xusay in magaalada ay horay caan ugu aheyd marti-soorka wafuuda, isla markaana sanadkii 2005-tii marti gelisay dowladdii KMG aheyd.overview_jowhar

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulkiisa isu diyaarinayo wax walba oo la xiriira howlaha maamul u sameynta, waxaana uu tilmaamay in amniga magaalada Jowhar uu yahay mid aad u wanaagsan, isla markaana uu jiro wada shaqeyn ka dhaxeysa shacabka iyo Ciidamada ammaanka.

Inkastoo aan wali la cayiman halka lagu qabanayo shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, hadana magaalooyinka Beledweyn iyo Jowhar ayaa ah kuwo diyara garow ugu jira marti gelinta shirka.

Diyaar garowga uu ugu jiro Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe marti gelinta shirka maamul u sameynta labada Gobol ayaa aad looga dareemay magaalada, waxaana ka socda magaalada olole nadaafadeed.

Dadka ku nool magaalada Jowhar ayaa hadal hayay dar darta cusub ee uu wado Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo diyaar garowga ballaaran ee uu ugu jiro marti gelinta shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexeholka_jowhar

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!