Jowhar oo ciidamadu la halgamayaan amaan xumada xaafadda Hanti-wadaag

Mareeg.com: Ciidamada booliska degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa halkaas ka wada howlgallo ammaan, waxaana xalay bandow la saaray xaafadda Hanti-wadaag oo shalay lagu qarxiyey mas’uul ka tirsan maamulka Jowhar, kaasoo dhaawac soo gaaray.

Ciidamada ayaa shalay ilaa xalay Jowhar ka waday howlgallo lagu qabqabtay dhallinyaro badan, kuwaasoo looga shakiyey iney qeyb ka yihiin aamaan xumada maalmahan laga dareemay xaafadda Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar.

Dadka la qabqabtay ayaa lagu hayaa saldhiga booliska degmada Jowhar, waxaana ku socda baaritaan sida ay sheegeen saraakiisha amaanka qaabilsan ee magaaladaas.

Dhanka kale, maamulka KMG ah ee Juba ee fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay iney fashiliyeen weeraro badan oo Alshabaab doonayeen iney ka fuliyaan Kismaayo.

Gudoomiyaha gobolka Jubada Hoose ee maamulka Juba, Cabdirashiid C/llaahi Gooni ayaa warbaahinta u sheegay iney gacanta ku dhigeen dad badan oo doonayey iney Kismaayo ka fuliyaan falal amaan darro.

Gooni ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo nuuca ah ay ahaayeen dadka ay qabteen ee uu sheegay iney ku lug lahaayeen falal amaan xumo.

Alshabaab ayaa horay ugu hanjabay iney bisha Ramadaan kor u qaadayaan weerarada ay ka geystaan magaalooyinka ay maamusho dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245