Jowhar: Meydad La Helay Kadib Markii Biyo Qaadeen Dooni Rakaab Siday

Read Time:59 Second

Jowhar, Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka biyaha ku fatahay hareeraha magaalada laga helay meydadka 2 ruux oo ka mid ah dad dooni xalay kula degtay meel ka baxsan magaalada Jowhar.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in saaka la helay labo meyd oo mid ka mid ah ay isaga qaraabo yihiin, kuwaasoo uu xusay in laga helay biyaha dhexdooda, kadib markii xalay maqribkii dooni la rogmatay.

Doonta biyahu la tageen waxaa la socda ilaa 10 ruux, waxeyna u kala goosheysay magaalada Jowhar iyo tuulo yar oo lagu magacaabo Dhay-gawaan oo magaalada u jirta ilaa 5 KM.

Doonta ayaa la sheegay iney biyo ku qaadeen meel jiiro ama leexad ah, waxaana iyadoo sii galeysa meel buq ah dadkii saarnaa ka boodeen iyagoo isku dayey iney is badbaadiyaan, taasoo keentay in la waayo qaarkood oo biyuhu la tagaan.

Buqdan shiulka ka dhacay ayaa ah meel ay biyaha fatahaada biyaha wabiga ugaga soo gudbaan kanaalka Cali Shoobare, waxaana maalin walba isticmaala boqolaal ruux oo isaga kala gudba dooman yar yar.

Labo bilood kahor ayay ahayd markii gabar xoolo dhaqato ah ay ku dhimatay buqdan Dhaaygawaan.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %