Jowhar iyo Baladweyne oo ku loolamaya marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jowhar iyo Baladweyne oo ku loolamaya marti gelinta shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/dhexe

Jowhar ( Mareeg)-Sida uu ku sheegay Guddoomiye ku xigeenka dhinaca dib u heshiisiinta ee Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe Abuukar Cali waxaa Magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar wada tashi ku saabsan shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa daboolka ka qaaday in weli la isku mari la’yahay sameynta guddiga farsamada ee shirkaas, isagoona farta  ku goday in Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ay ka kala soconayaan diyaar garow ku aadan marti gelinta shirka.

Hayeeshee guddoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku dhuftay in meesha la dhigayo gogosha shirka ay ka go’do dowladda Federaalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa dib u dhac xoogan uu ku yimid iyadoona weli laga dhur sugayo qabsoomiddiisa.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!