Jowhar oo u diyaar-garowday Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jowhar oo u diyaar-garowday Marti-gelinta Shirka Maamul-u-samaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe.

muuqal-jowhar-15Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo kan degmada ayaa isu diyaarinaya marti gelinta shirkaas, iyadoo durbaba magaalada laga dareemay is bedel dhinacyo kala duwan ah.

Olole nadaafadeed ayaa magaalada ka socda, iyadoo jidadka laga nadiifinayo qashinka, sidoo kale waxaa wadooyinka lagu dhajiyay boorar ay ku qoran yihiin halku dhigyo lagu soo dhoweynayo shirka iyo martida magaalada imaaneysa.

Hotelada magaalada ayaa dib u dayactir lagu sameynayaa, waxaana magaalada ku soo biiray hotelo si qurux badan loo dhisayay, durbaba waxaa soo baxayay warar sheegaya in Hotelada iyo guryaha filooyinka ee magaalada ku yaal ay kireysteen xubno ka tirsan musharaxiinta xilka Madaxweynaha.

Waxaa sare u kac ku yimid qiimaha la kireeyo hotelada iyo guryaha oo horay ay u ahaayeen kuwo dhex dhexaad ah, waxaana dadka hadal hayaan is bedelada bilowga ah ee ay gashay magaalada Jowhar.

Guryaha iyo dhismayaasha ku yaalla hareeraha wadooyinka ayaa la qurxinayaa, si bilicda magaalada u soo baxdo, guryo qaar ayaa dhismooyin laga wadaa habeen iyo maalin, waxaana marka aad wadooyinka mareyso waxaa dhagahaaga ku soo dhacaya dhawaaqa buruska

Dhinaca kale waxaa magaalada laga dareemayay is bedel amni, iyadoo wadooyinka laga soo galo magaalada ciidamo la dhigay, waxaana la baarayay dadka iyo gaadiidka soo galaya.

Si kastaba ha ahaatee diyaar garowga loogu jiro shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh/Dhexe ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu sii xoogeysto, isla markaana wafuuda iyo ergooyinkana soo gaaraan magaalada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!