Mareeg Media
Somalia

Journalists briefly detained in Sool and Sanaag regions for covering local protests

MOGADISHU, Somalia 19 June, 2020 – Somali Journalists Syndicate (SJS) condemns the multiple brief arrests against journalists in Sool and Sanaag regions in Somaliland respectively.

In Las Anod, Somaliland police arrested Somali Cable TV journalist, Khadar Mohamed Tarabi and Khadar Rigah Ahmed, of Universal TV, on Tuesday 16 June, 2020 around 9:00 a.m, as they were filming the local community meeting that protested against the lack of inclusion of the Somali government-Somaliland talks in Djibouti. The arrest follows after the police raided and dispersed protesters and taken the journalists to Las Anod central police station. Both journalists were released on Wednesday 17 June 2020 around 5:30pm without charges. Colleagues told SJS that the journalists; Tarabi and Ahmed were held in the police station for more than 24 hours and were only released on a condition that they would not cover local protests.

In Erigavo, officers from Somaliland criminal investigations department (CID) detained Horyaal24 TV journalist, Jabir Said Duale (popularly known as Bulshawi) on Tuesday 16 June, after he went to report an event that day in which local youth group protested against lack of inclusion of the Somali government-Somaliland talks in Djibouti. Bulshawi was released on the afternoon of Wednesday 17 June, 2020 without charges but was required to report to the police once needed.

Separately, Somali regional authorities in Gedo detained freelance journalist Bishar Ibrahin Adan on 10 June, 2020 in Burdhubo district. According to journalist Adan and two other journalists in the region who spoke to SJS, the arrest follows after the Gedo regional administration accused journalists of not covering the news stories favorable for the Somali federal government-appointed administration. The journalist was released later that day without charges.

“Arresting journalists on duty and holding them without charges, with the aim to silence independent coverage, is against both the Somaliland and the Federal Provisional Constitutions. This does not only constitute violation to the their right to freedom of expression but also is a violation against their human rights,” Abdalle Ahmed Mumin, Secretary General of the Somali Journalists Syndicate (SJS) said “We call for the Somaliland authorities and Somali regional administration in Gedo to uphold the right to access to information and allow the journalists to freely exercise their profession without fear or repression.” (END)
———————–oooooo00000000000oooooo———————–

SOMALI VERSION

Suxufiyiin lagu xiray Laascaanood iyo Ceerigaabo kaddib markii ay soo tabiyeen cabasho

MUQDISHO, Soomalyia, 19 Juun 2020 – Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (SJS) wuxuu cambaareynayaa xarigga is xig xigay ee ciidamada ammaanka Somaliland ay u geysteen suxufiyiin ku kala sugan gobolada Sool iyo Sanaag.

Ciidanka booliska ee magaalada Laascaanood ayaa xabsiga u taxaabay weriyayaasha kala ah: Khadar Maxamed Tarabi oo ka tirsan Telefishinka Somali Cable iyo Khadar Rigaah Axmed, oo ka howlgala Telefshinka Universal TV maalinimadii Talaadada 16 Juun, abbaare 9:00 subaxnimo. Xarigga weriyayaasha ayaa yimid xilli ay ku howlanaayeen soo tebinta isu imaatin dadweyne cabasho ka qabay shirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland u dhexeeyay ee ka dhacay dalka Jabuuti. Suxufiyiinta ayaa lagu hayay xabsiga dhexe ee Laascaanood, waxaana xorriyadooda ay dib u heleen maalinnimadii Arbacadii 17 Juun abbaare 5:30 galabnimo iyagoo wax dembi ah aanan lagu soo oogin.

Booliska dembi baarista ee CID-da magaalada Ceerigaabo ayaa xiray weriye Jaabir Saciid Ducaale (Bulshaawi) oo ka howlgala telefishinka Horyaal24 TV maalinnimadii Talaadada ee 16 Juun isagoo markaasi ku howlanaa tebinta warar la xiriira cabashooyin laga muujinayay hannaanka ka qeybgalka wada-hadalada u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland. Weriyaha ayaa la sii daayay maalinnimadii Arbacada 17 Juun iyadoo shuruud looga dhigay in uu boolisku xiligii ay u baahdaan ay u yeeri doonaan.

Dhanka kale, maamulka gobolka Gedo ayaa magaalada Buurdhuubo ku xiray weriye Bishaar Ibraahim Adan 10 Juun, 2020. Sida uu weriyaha iyo labo saxafi oo kale u sheegeen SJS, xarigga ayaa ka dambeeyay kadib markii lagu eedeeyay weriyaha in uusan si wanaagsan u tebinin wararka u xaglinaya maamulka gobolka Gedo ee ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Suxufiga ayaa markii dambe xorriyadiisa dib u helay iyadoo aan wax dacwad ah lagu oogin.

“Xarigga loo geysanayo suxufiyiinta ku guda jira waajibaadkooda shaqo iyo in xabsiga lagu hayo iyagoo wax dembi lahayn iyadoo looga gol leeyahay in lagu aamusiyo tebinta wararka madaxa-bannaa, ma ahan kaliya xadgudub ka dhan ah xuququuqdooda aas-aasiga ah ee ku saleysan xorriyadda hadalka iyo tan fikirka ee lagu damaanad qaaday Dastuurada Dowladda Federaalka ah iyo kan Somaliland, ee waxaa ka ratibmaya xadgudub ka dhan ah xuquuqda bani’aadanimo ee ay leeyihiin warfidiyeenkaasi,” Cabdalle Axmed Mumin, Xoghayaha Guud ee SJS ayaa yiri isagoo ugu baaqay maamulada Somaliland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya inay xurmeeyaan xaqa helista xogta, una ogolaadaan suxufiyiin inay ku shaqeeyaan deegaan nabdoon iyagoon wax cabsi ah ka qabin aargoosi. (DHAMAAD)

PHOTO CAPTION: COMBINED PHOTO: Journalists Khadar Rigah Ahmed (left); Jabir Said Duale (centre) and Khadar Tarabi (right) were briefly arrested in Las Anod and Erigavo. | Photo: SJS.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!