John Kerry oo Nairobi ka yiri: Sax maaha in qaxootiga Soomaaliyeed qasab lagu celiyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

John Kerry oo Nairobi ka yiri: Sax maaha in qaxootiga Soomaaliyeed qasab lagu celiyo

Mareeg.com: Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanak, John Kerry oo ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay halkaas ku sheegay ineysan habooneyn in qaxootiga Soomaaliyeed ku nool Kenya qasab lagu celiyo.

John Kerry ayaa Kenya u sheegay ineysa wanaagsaneyn in carrada ay ka qaadeen weerarada Alshabaab lagala dul dhaco qaxootiga Soomaaliyeed oo aan dalkoodu weli amaanka aheyn.

Wuxuu sheegay Kerry in Mareykanka hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR siinayaan 45 Milyan dollar si wax loogu qabto qaxootiga.

Kenya ayaa bishii hore carro ay ka qaadday weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee lagu dirlay 148 qof waxey ku dhawaaqday in muddo 3 bilood ah qaxootiga Soomaalida looga rari doono dalka Kenya.

Arrintaas waxaa dhaleeceeyey hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha, iyadoo dowladda Soomaaliya ay Kenya kala hadashay iney go’aankaas dib uga laabato.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!