John Kerry oo la kulmay madaxweynaha Jabuuti ($68 Milyan dollar oo Jabuuti heleyso)

Mareeg.com: Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka, John Kerry ayaa maanta magaalada Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Geelle iyo John Kerry ayaa wada hadalay xiriirka labada dal ee Jabuuti iyo Mareykanka, arrimaha amaanka iyo la dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada.

Markii uu dhamaaday kulanka madaxweyne Gelle iyo John Kerry ayaa waxaa si wadajir ah shir jaraa’id u qabtay wasiiraka arrimaha debadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka, John Kerry.

Labada wasiir ayaa ka hadlay taageerada loo fidinayo qaxootiga kasoo cararay Yemen ee kusoo jabay Jabuuti, iyo sida Jabuuti looga caawin karo.

John Kerry ayaa Jabuuti ugu yaboohay $68 Milyan oo gurmad cusub ah oo Mareykanku siin doono Jabuuti, iyadoo 16 Milyan oo dhaqaalahaasi ka mid ah loogu talagalay in Jabuuti ay ku caawiso qaxootiga ka imanaya dalka Yemen ee hadda colaaddu ku socoto si ay u helaan biyo iyo baad iyo xerooyin ay dagaan.

John Kerry ayaa caawa usii gudbi doona dalka Sacuudi Carabiya, iyadoo Mareykanka doonayo in la hakiyo duqeymaha xagga cirka ah ee lagu hayo Xuuthiyiinta Yemen, sid gargaar loo gaarsiiyo dadka Yemen.

Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka, John Kerry ayaa booqasho ku maray Kenya, Somalia iyo Djibouti.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245