John Kerry oo isbitaal u galay shil baaskiil * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

John Kerry oo isbitaal u galay shil baaskiil

Xoghayaha arrimaha dibeda ee Maraykanka John Kerry ayaa isbitaal la dhigay kaddib markii uu galay shil isagoo kaxeynayey baskiil. Waxa uu ku kaxeynayey baskiilka meel ku dhow buuraha Alps ee dalka Faransiiska.

Waxa loo duuliyey isbitaal ku yaala dalka Switzerland halkaas oo uu uga qeyb galayey kullanka ku saabsan barnaamijka niyuukliyarka ee Iraan.

Waxa lagu waday in uu u duulo Madrid si uu uga qeyb galo saxiixa heshiiskaasi maalinta isniinta ah.

Afhayeen u hadlay xoghayaha ayaa sheegay in xaaladiisu ay degantahay, una badantahay in uu ka dhaawacmay lugta.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!