Jilaa caan ah oo reer Hindiya ah oo lagu xukumay 5 sano oo xarig ah (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jilaa caan ah oo reer Hindiya ah oo lagu xukumay 5 sano oo xarig ah (Sawirro)

Mareeg.com: Mid ka mid ah jilayaasha ugu caansan aflaamta Hindiya, Salman Khan, ayaa lagu xukumay shan sano kadib markii lagu helay dambi ah inuu gaari isagoo cabsan ku dilay nin darbi jiif ahaa.

Salman Khan

Salman Khan oo 49 jir ah, kana tirsan xidigaha Bollywood, waxaa lagu eedeeyay inuu jiirsiiyay gaarigiisa tiro dad ah oo hurdayay wadada dhinaceeda magaalada Mumbai sanadkii 2002-dii.

Mid ka mid ah dadkaasi, Nuur Ullah Khan, ayaa geeriyooday.

Khan ayaa sheegay in darawalkiisa uu eedda lahaa, balse dhowr goobjooge ayaa sheegay in jilaaga uu waday gaariga, kana cararay goobta markii shilku dhacay. Xukunkan ayaa racfaan laga qaadan karaa.

Abukaataha Salman, ayaa wuxuu sheegay in kiiskiisa ayba ka wareejinayan Maxkamadda Magaalada Mumbai, ayna u wareejin doonaan Maxkamadda Sare Mumbai.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!