Jeneraal ka tirsanaa jiray ciidamadii Soomaaliya oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jeneraal ka tirsanaa jiray ciidamadii Soomaaliya oo ku geeriyooday Imaaraadka Carabta

Mareeg.com: Jen. Axmed Sahal Cali “Cariiri” oo ka tirsanaan saraakiishii ciidamada Soomaaliya ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.

Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu ku xanuunsanaa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, isla markaana uu u geeriyooday xanuunka haya.

Jen. Axmed Sahal Cariiri waxa uu darajada sare ka gaaray ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed xilliga dowladdii dhexe ee bur burtay 1991-kii.

Wuxuu horay usoo noqday intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Asluubta, Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga iyo xilal kale.

Marxuumka ayaa wuxuu intii ay dalka ka socdeen dagaallada sokeeye uu ka mid ahaa saraakiisha aan ka qaybgelin colaadihii sokeeye, isagoo aan inta badan ka hadlin xaaladaha dalka iyo dagaalladii sokeeye.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!