Jenaraal Caanood oo la baxsaday gaadiid dagaal iyo ciidamo tiro badan — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jenaraal Caanood oo la baxsaday gaadiid dagaal iyo ciidamo tiro badan

Wararka aan ka heleyno Degmada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi Saacadihii la soo dhaafay ay gaareen gaadiid dagaal iyo ciidamo badan uu wato Abaandulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhawaaan xilka laga qaaday Cabdullaahi Cali Caanood.

Qaar kamid Gaadiidka dagaal ah ee uu wato Jenaraal Caanood ayaa waxaa shalay Qarax lagu lala eegtay agagaarka deegaanka Nambar 60 ee Gobolkaasi Shabeellaha hoose balse wuxuu sheegay in Khasaare uu san ka soo gaarin Qaraxaasi.

Warar ay heshay Shabakada Mareeg ayaa ku waramaya in Abaandulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee dhawaaan xilka laga qaaday Cabdullaahi Cali Caanood Ciidamada faraha badan ee uu wato ay hada ku sii jeedaan Deegaano ka tirsan Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay gacanta ku hayaan dagaalamayaasha Al Shabaab.

Dhinaca kale waxaa jiro warar aan xaqiijin oo sheegaya in Jenaraal Caanood ku wajahan yahay Gobolka gedo,isla markaana uu ka careysan yahay xilka qaadistii uu dhawaan ku sameeyey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dadka Deegaanka Degmada Shalaanbood ee Gobolka Shabeellaha ayaa soo sheega in Degmada ay gudaha u soo galeen Gadiidka dagaalka ee uu wato Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga dalka,isla markaana fariisin ka sameystay Guadha degmada iyo daafaheeda.

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!