Jen. Saacid oo digniin kama dambeys ah u diray gaadiidka muraayadaha madow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jen. Saacid oo digniin kama dambeys ah u diray gaadiidka muraayadaha madow

Muqdisho – Mareeg.com: Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” ayaa digniin kama dambeys ah u jeediyay wadayaasha gaadiidka muraayadaha Madow leh, isagoo sheegay in in aan magalada Muqdisho lagu dhex wadin karin gawaarida muraayadaha madow ku xiranyihiin.

Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid Saacid ayaa tilmaamay inay jiraan digniin hore oo ay ka soo saareen gawaarida muraayadaha madowga leh, islamarkaana uu haatan markale ku celinayo digiin ah in shacabka ay ka furaan gawaaridooda muraayadaha madow, taasi oo uu ku tilmaamay inay qeyb ka qaadan karto amni darrada.

Taliyaha ayaa sidoo kale u digay gawaarida aan taargada laheyn, wuxuuna yiri “Waxaan amar ku bixinay in gaari aan la hayn Taargo in uusan jidka marikarin, ganaaxa ugu sareeyana la saaro oo sharciga lala tiigsado, gawaarida muraayadaha madowna sidaas ayaan u ganaaxi doonaa”.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa ganacsatada ka codsaday in la joojiyo bacaha qashinka ee jidka la soo dhigayo, isagoo intaa ku daray in cid walba oo qatar aragta ay soo wargeliyaan ciidamada amaanka.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!