Jen. Qaafow: Alshabaabkii labada Shabeelle Muqdisho ayay galeen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jen. Qaafow: Alshabaabkii labada Shabeelle Muqdisho ayay galeen

Mareeg.com: Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Labada Shabeelle iyo Banaadir ayaa sheegay in Alshabaab ku soo yaaceen caasimadda dalka ee Muqdiasho.

Taliyaha qeybta 12-ka April ee ciidanka xooga dalka Jen. Maxamuud Maxamed Qaafow oo hogaaminaya ciidamka xooga dalka ee ka howl galaya Labada Shabelle iyo Banaadir ayaa sheegay in Al-Shabaab kasoo baxeen labada Shabeelle, soona galeen Muqdisho.

“Al-Shabaab jihadeena wey ka leexdeen Muqdisho ayay soo galeen, meelihii ay ciidanka xooga dalka ka xoreeyeen waa ka carareen, waxaa hada la wadaa howlgal Muqdisho looga nadiifinayo oo ciidanka Nabadsugida, booliska iyo AMISOM Boolis ay wadaan” ayuu yiri Jen. Qaafow.

Jen. Qaafow ayaa sidoo kale sheegay in howl galka Badweynta Hindiya uu dib u bilaabanayo, isagoo xusay in ciidamada ay ku dhow yihiin deegaanka Sablaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

“Howl galka Badweynta Hindiya dib ayuu u bilaabanaya, ma joogsan, wax joogsanaya ma ahan, deegaanka Sablaale waxay noo jirtaa 27-KM, sidoo kale dhinaca Shabellaha Dhexe meelo badan ayay ciidanka kaga wajahan yihiin sida Aadan Yabaal, caadley iyo Ceelbaraf”ayuu yiri Jen. Qaafow.

Warka kasoo baxay taliyahan ka tirsan miltariga ayaa kusoo beegmaya xilli Alshabaab xoojiyeen weerarada qorsheysan ee la beegsanayaan saraakiisha dowladda iyo dadka ku dhow, halka laamaha amaankuna dagaal xoogan kula jiraan.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!