Jen. Mukhtaar oo si KMG loogu wareejiyay xilka Taliyaha Booliska Soomaaliya (Sawirro)

Read Time:47 Second

November 02 (Mareeg.com)— Munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye ayaa waxaa xilkii Taliyenimo ee Booliska si KMG ah loogu wareejiyay Jen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo wixii hada ka dambeeya ay ka amar qaadan doonaan Ciidanka Booliska.

Taliyihii hore ee Booliska Jen. C/xakiin Dahir Saciid (Saacid) oo Axadii la soo dhaafay ay xilka ka qaadeen Golaha Wasiirada ayaa xilka ku wareejiyay si KMG ah ugu wareejiyay Jen. Mukhtaar oo ahaa Taliye kuxigeenka 1aad ee Booliska.

Jen. Saacid ayaa ku amaanay Jen. Mukhtaar inuu yahay nin howlkar ah, isla markaana muddo ka soo shaqeynayay howlaha ciidanka.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska ahna Taliye kuxigeenka Jen, Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa sheegay inuu halkeeda ka sii wadayo shaqadii Booliska, waxaana uu faray Hoggaanada kala duwan ee Ciidamada inay shaqadooda sii wataan.

Waxaa lagu wadaa in dhowaan Taliye cusub la soo magacaabo, waxaana xilka Taliyaha Booliska ugu jira loolan Saraakiil ciidan oo horay xilal u soo qabtay.

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %