Jen. Indhaqarshe: 7 askari iyo 17 isbaaro u taallay ayaa ku dhintay Shabeellaha Hoose

Read Time:1 Minute, 16 Second

Muqdisho – Mareeg.com: Dowladda Soomaaliya ayaa xoog aan caadi aheyn ku bixisay la dagaallanka Isbaarooyinka gobolka Shabeellaha Hooose, iyadoo loo qoondeeyey ciidamada ilaa 300 oo askari ah.

Taliyaha Ciidamada xooga dalka Jen. Dahir Aadan Cilmi (Indha-Qarshe) oo shalay ka hor hadlayay gudiga difaaca bgaarlamaank ayaa sheegay in ciidamo gaar ah ay u sameeyeen la dagaalanka isbaarooyinka, wuxuuna tilmaamay in 300 oo askari iyo gaadiid dagaal la howl geliyay.

“300 oo ciidan ah iyo 6 gaadiid dagaal ah ayaa la howl geliyay, si ay u qaadaan isbaarooyinka, ciidankaas waxay galeen 4 dagaal, ma ahan Shabaab la diriray, ciidan isbaariistayaal ah ayaa dhigtay, kuwaas ayaa lala dagaalamayey”ayuu yiri Jen. Indha-Qarshe.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaallada dhex maray ciidamada isbaarada dhigtay iyo qaadayey ay soo kala gaartay dhimasho iyo dhaawac farabadan, wuxuuna cadeeyey arrin la yaab leh oo ah in raga isbaarada dhigtay y wataan gaadiid dagaal.

“Ilaa 7-askari ayaa ka dhimatay ciidamada, 15 kalena waa ka dhaawacmeen, dhinacii kale ee raggii isbaarooyinka u yaalay waxaa laga dilay 17, waxaana ay ka gubeen gaadiid dagaal, dagaalada oo ilaa afar ahaa waxay ka dhaceen inta u dhaxeysa Warmaxan iyo Afgooye”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada xooga dalka.

Jen. Indha-qarshe ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah isbaarooyin ay qaadan doonaan waqti badan, isagoo xusay in isbaarooyinka ay haatan noqdeen heer qabiil ah.

Wadada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye ayaa bilihii lasoo dhaafay la dhigtay sibaarooyin farabadan, kuwaasoo ay qaarkood dhigteen saraakiil ka tirsan milateriga oo markii la weeraray qabiil dabada la galay.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %