
Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen. C/wali Jaamac Gorod oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la soo qabtay ciidamo hubeysan oo maanta gudaha u galay Baarlamaanka.
Jen Gorod ayaa sheegay in markii hore amar la soo saaray oo ah in aanay ciidamo gudaha u geli karin gudaha Baarlamaanka, balse nasiib darro ay dhacday ciidamo hubeysan oo gudaha u galay, oo ay ogaadeen hey’adaha ammaanka.
Waxaa uu sheegay in la soo qabtay ciidamadii gudaha u galay xarunta baarlamaanka, kuwaasoo uu ku eedeeyay inay sameeyeen amar diid, isla markaana lagu daba jiro ciidamo kale.
Ma sheegin tirada ciidanka la soo xiray, waxaana uu xusay inuu socdo baaritaan kale oo ku aadan in ciidamo maleeshiyaad inay ka mid ahaayeen kuwa galay baarlamaanka, isla markaana la soo qaban doono.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada la qabtay ay ka mid ahaayeen Ilaaladii Guddoomiye Jawaari ee ahaa ciidankii Milateriga loo yaqaano Koofiyo Gaduud ee hoos-tagayay Taliska Ururka 60aad Ilaalada Madaxtooyada ee ciidanka xoogga dalka.
Amarka lagu soo xiray Ciidamadan la sheegay inay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka ayaa ka dambeeyay kulan Guddiga Amniga Qaranka ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo.
Goor sii horeysay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida, Milateriga iyo Asluubta ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari in ciidamo hubeysan la galay Xarunta Baarlamaanka, waxaana muuqata in xiisadaha siyaasadeed ee u dhaxeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda inay ku milmeen Taliyeyaasha ammaanka.