Jen. Cumar Xaaji Masalle oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jen. Cumar Xaaji Masalle oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska

Mareeg.com: Waxaa dalka ingiriiska  ku geeriyooday  Geranal Cumar  Xaaji Masalle oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa bilihii u dameeysay ku xanuunsanay Cisbitaal ku yaalla Magaaladda Leicester, wuxuu Britain deganaa wixii ka dameeyay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Generaalka ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowrka ka qaadatay dhisidda ciidamada XDS, wuxuuna ku biiray ciidamada xilli hore isagoo qeyb ka ahaa saraakiil loo tababaray dhisidda iyo xoojinta ciidamada.

Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa   sheegay in marxuumku uu ku biiray ciidamada xornimadii ka hor, isagoo ahaa macallin ka hor inta uusan tababar ciidan u aadin dalka dibaddiisa.

“Muddo ayaan wada shaqeyneynay, inkastoo uu ahaa saraakiishii naga horreysay ee ku soo biiray ciidanka xilligii xorriyadda, wuxuuna ka mid ahaa saraashii saldhigga u ahaa ciidanka” ayuu yiri Generaal Diini.

Jen. Cumar Xaaji Masalle ayaa madax u ahaan jiray Jabhaddii SNF, wuxuuna dagaal la galay Ururukii Al-itixaad Al-islaami ee gobolka Gedo.

Murxuumka ayaa ku dhashay magaalada Beledweyne sanadkii 1924tii, wuxuu dugsiga sare uga baxay magaalada Gaalkacyo, isagoo ciidanka ku biiray sanadkii 1960kii.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!