Jen. Buhari oo ka guuleystay doorashada Nigeria * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jen. Buhari oo ka guuleystay doorashada Nigeria

Mareeg.com: Musharaxa mucaaradka doorashada madaxtinimo ee Nigeria, Jen. Muhammadu Buhari ee xisbiga APC, ayaa ka guuleystay madaxweynihii xilka horay u hayey Goodluck Jonatha.

Goodluck_jonathan_interview_bbc_640x360__nocredit

Madaxwaynaha xilka hayey Goodluck Jonathan ayaa telefoon u diray Muhammadu Buhari si uu u qirto in doorashada looga guulaystay, uuna ugu hambalyeeyo General Buhai guusha uu doorashada ka gaaray.

“Waxaan dalkaan u ballan qaaday doorasho xor ah oo xaq ah, ballankiina waan oofiyey” ayuu yiri Goodluck Jonathan.

Iyadoo dhowr gobol ay dhiman yihiin in natiijadooda lagu dhawaaqo, ayaa Mr Buhari uu ka horeeyaa ku dhowaad sadex milyan oo cod madaxwaynaha xilka haya ee la tartamaya Goodluck Jonathan.

Madaxweynaha laga guuleystay ayaa ugu baaqay dadka ka carooday guul darradiisa ugu baaqay iney sharciga usoo laabtaan, islamarkaana ilaaliyaan midnimada qaaliga ah ee dalka Nigeria.

Horay, ayaa muuqaallo rabshado wata loogu arkayay xarunta guddiga doorashada ee magaalada caasimadda ah ee Abuja, markii wakiil ka socda xisbiga talada haya ee PDP, Elder Orubebe uu ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashada Attahiru Jega inuu dhinac u janjeero.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!