Jaziirada Kudhaa oo Alshabaab xoog kula wareegeen, kadib dagaal culus * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jaziirada Kudhaa oo Alshabaab xoog kula wareegeen, kadib dagaal culus

Xoogaga Al-Shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay Jaziirada Kudhaa ee Gobolka Jubada Hoose, halkaasoo todobaadkii hore ay la wareegeen Ciidamada Maamulka KMG ah ee Jubba.

Sida ay sheegayaan wararka xoogaga Al-Shabaab ayaa saakay dagaal culus ku qaaday Jaziirada Kudhaa oo tiro dhowr jeer labada dhinac ay kala wareegeen, iyadoo dagaalka saakay uu muddo saacado ah socday.

Ciidamada Maamulka Jubba oo laga saaray deegaanka ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin Jaziirada Ma dhawa oo aan sidaa uga fogeyn deegaanka Kudhaa, waxaana la soo sheegayaa in isgaarsiinta deegaanka ay hawada ka maqan tahay.

Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalka, inkastoo la sheegayo inuu jiro dhimasho iyo dhaawac labada dhinac uu ka soo gaaray dagaalka..

Jaziirada Kudhaa ayaa ilaa 100-KM u jirta magaalada Kismaayo, waxaana deegaankaas uu ka mid ahaa meelihii u dambeeyay ee dhowaan Al-Shabaab lagala wareegay.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!