Jawaari: Weli Dowlad Goboleed ma jirto ee waa maamullo KMG ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari: Weli Dowlad Goboleed ma jirto ee waa maamullo KMG ah

Mareeg.com: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in maamullada haatan ka jira Soomaaliya aan lagu magacaabi karin Dowlad Goboleed, balse ay yihiin maamullo KMG ah.

“Waxaa maqlay dad badan oo oranaya dowlad-goboleed, ma ahan dowlad-goboleed ee waa maamulo KMG ah, Dowlad-goboleed waxaa noqon kara maamul ka taliya Labo Gobol iyo wixii ka badan oo baarlamaanka Ansixiyo,” ayuu yiri Jawaari.

Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa xusay inaanay ahayn in dadku Isku-qaldaan maamul KMG ah iyo dowlad-goboleed, wuxuuna intaas ku daray in shardiga dowlad-goboleed lagu noqon  karo ay tahay in baarlamaanku ogolaado.

Maamullo dhowr ah oo Puntland ka mid tahay ayaa isugu yeera Dowlad, waxaana haataan Prof. Jawaari oo ah sharci yaqaan cadeynayaa ineysan xitaa aheyn Dowlad Goboleed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!