Jawaari oo shaqadiisa Golaha shacabka & dib u bilaabay warbixin

Read Time:45 Second

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa galabta shir guddoomiyay kulankii Guddiga Joogtada ah

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii xildhibaano isaga taageersan ay xalay ku dhawaaqeen inuu buray mooshinkii laga keenay Jawaari ka dib markii uu dhamaaday xiligii 10ka cisho ahaa ee loogu talo galay in lagu horkeeno golaha shacabka, si looga codeeyo.

Kulanka ay galabta isugu yimaadeen guddiga joogtada ah ee golaha shacabka ayaa waxaa lagu go’aamiyay in maalinta Sabtida ay si caadi ah u bilaaban doonaan howlihii Golaha.,

Kulanka oo uu ka maqnaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha shacabka C/wali Muudey ayaa waxaa lagu go’aamiyey ajendaha kulanka Sabtida uu noqonayo xiisada ku saabsan derbiga Kenya ka dhiseyso Beled-xaawo.

Lama oga sida uu fadhiga golaha shacabka ku qabsoomi doono sabtida maadaama weli aan xal lagu wada qanacsan yahay laga gaarin mooshinkii laga keenay guddoomiye Jawaari iyo xiisadii Siyaasadeed ee ka dhalatay.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.