Muqdisho, Mareeg.com: Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaannada baarlamaanka maanta ku boorriyay nidaamka lagu furan karo axsaab siyaasadeed.
Jawaari oo khudbad ka jeedinayay kulan ay xildhibaannada baarlamaanku ku yeesheen maanta xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ayaa tilmaamay in xisbiyada siyaasadeed ay qayb ka yihiin qorshayaasha la doonayo in lagu gaarsiiyo dalka doorasho xor ah oo dhacda marka la gaaro 2016-ka.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ku tirtirsiiyay xildhibaannada inay dhexda u xirtaan sidii ay uga miro-dhalin lahaayeen qoshahan oo uu sheegay inuu saldhig u noqon karo in dalka uu noqdo mid furfuran oo dimuqraaddi ah, sida uu yiri.
Dalka Soomaaliya ayaan weli la diiwaan gelin hal xisbi siyaasadeed, iyadoo aan weli la dahmeystirin nidaamka Axsaabta dalka, hase ahaatee waxaa dalka ka jira axsaab dhisan, inaksoo aan weli sameyn nidaamkii ay ku howlgelayeen.
Mareeg.com