Jawaari oo la kulmay ergayga Qaramada Midoobay iyo safiirka Switzerland * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari oo la kulmay ergayga Qaramada Midoobay iyo safiirka Switzerland

Mareeg.com: Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha dalka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta Muqdisho kulan kula qaatay ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay iyo danjiraha Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa kulanka uu la qaatay Danjire Dominik Langenbacher iyo Danjire Nicholas Kay waxa ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu horeyso xaaladda guud ee dalka iyo dadaalada ay dowladdu ugu jirto horumarinta guud ahaan Soomaaliya.

Kulanka markii uu soo idlaaday kaddib waxaa Warbaahinta la hadlay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Ku-simaha Madaxweynaha dalka oo sheegay in kulanka uu la qaatay safiirka dowladda Zwitzerland ee Soomaaliya Dominik Langenbacher iyo Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay uu ahaa mid diiradda lagu saaray nidaamka Federaalka oo ay dowladdu qaadatay iyo sidii dalka looga hirgelin lahaa.

“Kulanka aan safiirka la qaatay waxaan uga wada hadalnay kaalinta dowladdu Switzerland ay ka geysan karto nidaamka Federaalka oo aad ogtihiin in arrimahaasi ay door muuqda ka soo qaateen, maadaama ay Nidaamka Federaalka ah ku dhaqmayeen in ka badan 7-boqol oo sanno qibradbna ay u leeyihiin, wuuna naga ogolaaday, dhanka kale Danjire Nicholas kay waxaan isla soo hadal qaadnay dib u dhiska dowladnimada, maadaama uu isagu wakiil ka yahay hay’adaha Qaramada Midoobay, waxaa kaloo meesha ku jirtay in arrinta kalfadhiga shanaad ee baarlamaanka marka uu furmo aan dar dargelino howlaha horyaalla” ayuu yiri Prof Jawaari.

Dhanka kale, xarunta Villa Hargeysa waxa uu Ku-simaha Madaxweynaha dalka ahna guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kaga qeyb galay munasabad lagu dhaarinayay xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, isagoo kula dar daarmay in xilka loo dhaariyay maanta uu si cadaalad ah u guto, islamarkaana uu ugu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!