Jawaari oo Baydhabo u jooga shirka maamulka Koonfur Galbeed & Shariif Xasan oo ku wajahan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari oo Baydhabo u jooga shirka maamulka Koonfur Galbeed & Shariif Xasan oo ku wajahan

Mareeg.com: Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta shirar kala duwan kula yeeshay halkaas mas’uuliyiin iyo odayaal-dhaqameedka gobolka Bay, kuwaasoo u yimid magaalada inay wax ka dhisaan maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya ee saddexda gobol.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maanta gaaray xildhibaano kasoo jeeda Koonfur-galbeed iyo qurbo-joog fara badan, iyadoo saacadaha soo socda la sugayo inuu Baydhabo.

Sidoo kale, waxaa la filayaa inuu halkaas gaaro xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonaya inuu isku soo sharxo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol.

Magaalada ayaa waxaa lagu qabanayaa shir socon doona muddo todobaad ah, kaasoo lagu dooranyo hogaanka maamulka Konfur Galbeed, inkastoo khilaaf ka jiro cidda dooraneysa madaxda maamulkaas.

Dhanka kale, waxaa magaalada ka socda qabanqaabada debadbaxyo ay dhegayaan taageerayaasha Madoobe Nuunoow Maxamed oo sheegta inuu yahay madaxweynaha 6-da gobol.

Kooxda Madoobe Nuunow ayaa sheegay iney qorsheynayaan iney berri qabtaan debadbax weyn kaasoo looga soo horjeedo maamulka saddexda gobol ee dowladda Soomaaliya dhismihiisa waddo.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!