Jawaari oo Baydhabo kula kulmay Madoobe Nuunow * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Jawaari oo Baydhabo kula kulmay Madoobe Nuunow

Mareeg.com: Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa kulammo gaar gaar ah la qaatay shalay ilaa xalay Odayaal dhaqameedyo iyo siyaasiyiin.

Kulammadan kulankii ugu horeeyey waxa uu Prof. Jawaari la qaatay Odayaal dhaqameedyo waaberigii hore ee saakay ayadoo kulankii ku xigayna uu la qaatay siyaasiyiin waxaana kulammadaasi oo ahaa kulammo wadatashi ah.

Dadka uu la kulmay Jawaari ayaa waxaa ka mid ah siyaasiga Madoobe Nuunow Maxamed oo weli ku adkeysanaya inuu yahay madaxweynaha maamulka lixda gobo lee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii kulammadaasi ay soo gebageboobeen kadib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in kulammadu ay dhammaantood qeyb ka yihiin socdaalka uu ku joogo magaalada Baydhabo islamarkaana uu qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolladan kala hadlayey sidii ay aragtidooda u mideyn lahaayeen kadibna u sameysan lahaayeen maamul ay ku mideysan yihiin.

Ugu dambeyntii Jawaari ayaa xusay in kulammadan ay sii socon doonaan maalmaha soo socda oo uu Baydhabo ku sugnaanayo waxaana uu rajo ka muujiyey iney kulammada wadatashiga ah kasoo baxaan natiijo horseeda aragti mideysan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan guddigii loo xilsaaray farsamada dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ka kooban Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Sababaha Prof. Jawaari uu u tegay Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah sidii uu xallin lahaa caqabao la sheegay iney guddigaas oo ay dowladda Soomaaliya dirtay ka horyimaadeen, iyadoo tan ugu horreysa tahay caqabada ka imaaneyn kooxda Madoobe Nuunow.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More